Ciidamada difaaca Puntland oo War rasmi ah ka soo saaray qabashada degaanka Sheebaab ee degmada Qandala

Taliska Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo qoraal soo saaray ayaa si rasmi ah u shaaciyay warka ku saabsan qabashada degaanka Sheebaab oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna Hawlgalka qaabilsan Ciribtirka Argagixisada ayaa lagu xaqiijiyay warka ku saabsan qabashada degaanka Sheebaab oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ka carareen dagaaallamayaasha ISIS ka hor inta aysan ciidanku gaarin.

“Ciidanku waxay la wareegeen Sheebaab , Kayaxa iyo deegaannada ku hararysan, waxaa la qabtay Shidaal, hub iyo daawooyin loogu tegay Isbitaalka ay isticmaalayeen. labo xabaal wadareed ayaa lagu arkay magalada Sheebaab” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Taliska ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna Hawlgalka qaabilsan Cirib-tirka Argagixisada.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay shidaal, hub iyo dawooyin ugu tageen saldhigii Argagixisada Daacish ka carartay ee Sheebaab sidoo kalena ku arkeen laba xabaal wadareed ,oo ay ku aasan yihiin dagaallamayaashii halaagsamay ee kooxdaasi.

PUNTLAND POST