
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan qaaday ayaa guud ahaan gacanta ku dhigay saldhigii halista badnaa ee Curaar oo kamid ah difaacyadii ugu adkaa ee Argagixisada ISIS.
Warar hordhac ah oo ka soo baxaya hawlgalkii saaka ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland gebi ahaanba la wareegeen saldhigii Curaar oo kamid ahaa goobaha dhaca togga Jeceel ee ay difaacyada adag ku lahayd Argagixisada go’doonsan ee Daacish.
Ciidamada oo weli baaris amni ku wada saldhiga Curaar ee saaran degaanka Gaatir-oodan ayaa halkaasi ka helay mootooyin iyo gaadiid burbursan oo la rumaysan yahay in ay naafaysay duqeyntii dhawaanahan ku socotay dagaallamayaasha kooxda ISIS.
Qabashada saldhiga Curaar ayaa muujinaysa in mileeshiyaadka Daacish uu gacantooda ka baxay mid kamid ah saddexdii dhufays ee ugu adkaa goobaha ku harsan gacantooda islamarkaana haddii laga saaro Gaatir-oodan iyo Sheebaab wixii ka danbeeya noqonayo sifayn guud.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.