Ciidamada difaaca Puntland oo maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada Daacish ee Gaatir-oodan

Cutubyo aad u qalabaysan oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada ISIS ee Gaatir-oodan oo dhacda togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad.

Ciidamada difaaca Puntland oo Aroornimadii hore ee Saaka bilaabay hawlgal qorshaysan ayaa dhawr jiho kaga dhaqaaqay degaanka Gaatir-oodan waxaana ay ugu horrayn gacanta ku dhigeen difaacii adkaa ee Curaar oo laga ilaalin jiray Gaatir taasi oo fududaysay in ay ugu danbayn si buuxda ula wareegaan degaankaaasi Gaatir-oodan.

Ciidamada oo weli baaris amni ku wada difaacyadii Curaar iyo Taliska Gaatir-oodan  ayaa halkaasi ka helay mootooyin iyo gaadiid burbursan oo la rumaysan yahay in ay naafaysay duqeyntii dhawaanahan ku socotay dagaallamayaasha kooxda ISIS sida ay sheegayaan wararka laga helayo saraakiisha ciidamada Puntland.

Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in dagaallamayaasha Argagixisada ISIS aysan ku dagaallamin difaacyadii Curaar iyo Taliska Gaatir-oodan, taasi oo muujinaysa in uu dhammaad yahay wejiga labaad ee Hawlgalka Cirib-tirka kooxda Daacish islamarkaana hadda wixii ka danbeeya loo gudbayo Sifaynta Firxadkooda.

PUNTLAND POST