Puntland: Waa halkee godka CASCASO ee maanta Mareykanku burburiyay?

Duqeyn aad u xoog badan oo degaanno fog laga maqlay ayaa maanta lagu guraacay godka weyn ee CASCASO oo ku yaalla nawaaxiga degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku dhuumanayeen xubno sare oo ka tirsan Argagixisada ISIS.

Ilo wareedyo ku sugan goob masaafo durugsan u jirta degaanka Sheebaab ayaa soo weriyay in ay maqleen jug culus, oo ay ku tilmaameen mid dhulka la ruxday, islamarkaana arkeen uuro iyo qiiq madow oo samada isku shareeray, kaddib markii ay dhacday duqeyntii maanta lala beegsaday godka CASCASO oo la aaminsan yahay in ay ku dhuumanayeen xubno sare oo ka tirsan ISIS.

Dowladda Puntland oo bayaan kooban soo saartay ayaa sheegtay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika uu fuliyay duqeyntii maanta lagu garaacay nawaaxiga Sheebaab, taasi oo ay ku beegsadeen mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish “Duqeyn kale ayaa saaxiibada Dowladda Puntland ee USA, maanta kula beegsadeen Argagixisada Daacish deegaanka Sheebaab – Calmiskaad.”

Waa duqeyntii labaad oo mudda 24 saac gudahood ah Mareykanku ka fuliyo buuraha Calmiskaad, waxaana xalay Mareykanku garaacay god adag oo ku yaalla degaanka Gaatir-oodan, halkaasi oo la sheegayo in ay lee dahay difaacyo dabiici ah, oo ay ku dhuuntaan Argagixisada sidoo kalena ugu rakiban yihiin qoryaha waaweyn.

PUNTLAND POST