
Laascanood (Faallo) — Dhowaan Garaad Jaamac Garaad Ismaciil wuxuu sheegay in wadahadallo uu abaabulay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ay dhexmari doonaan maamulka goosasho-doonka ah ee Somaliland iyo maamulka ku-meelgaarka ah ee SSCK. Wuxuu sheegay in nin la yidhaahdo Garaad Wiilwaal uu yimid Laascaanood. Taas ka oo ka horreysay in Garaad Jaamac Garaad Ismaciil yidhi dhowr jeer “cidna uma haysanno wixii Somaliland u geysatay dadka Laascaaanood 2023kii.”
Hadallada Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxay noqon karaan kuwo maamulka Somaliland ka beensheego kuna doodo inuu wadahadal hoose la leeyahay maamulka SSCK. Maamuka Somaliland heshiisyadii uu dowladda Federaalka Soomaaliya la galay wuxuu u fasirtay in loo oggolaa inuu bad ka kireyn karo Itoobiya ama u dhaqmi karo sida dal gaar ah oo dhul leh, sida Taiwan oo diidan qarannimada Soomaaliya, la yeelan karo xiriir dimlomaasiyadeed. Colaad waa laga heshiin karaa laakiin been badan oo aan raalligelin laga bixin waa caqabad weyn oo hortaagaan in la wada hadlo.
Sidee wadahadal loola yeelan karaa maamul diiddan qarannimada Soomaaliya sabaabtaasna u laayay dad aamminsan midnimada Soomaaliya 2023kii? Garaaddada uu ka mid yahay Garaadd Jaamac Garaad Ismaaciil waxaa la gudboon inay ka aamusaan siyaasadda. Ma jiro madaxdhaqameed ka hadla siyaasadda marka laga reebo madaxdhaqameedka Waqooyiga oo uu Biritishu ku ababiyay inay ka hortagaan soo bixista siyaasiyiin la mid ah kuwii ka soo baxay Koonfurta afartamaadkii qarnigii 20aad. Heshiiska beelaha Soomaalida la galeen Imbaradooriyaddii Biritishka ayaa diiday in xisbiyo gobanimoddoon ah ka soo baxaan Waqooyiga. Waa sababta Biritayn dhul Soomaalidu ku nooshahay ugu daray Itoobiya 1954kii.
Sanadkii 2024kii hoggaamiyaha maamulka SSCK Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) markuu booqanayay Talyaaniga wuxuu la kulmay xeeldheerayaal sharci oo danaynaya inay wax ka oogaadaan gaboodfalladdii ay ciidammada maamulka Somaliland ka geysteen Laascaanood Janaayo 2023 ilaa 25 Agoosto 2023. Dowladda Biritayn aad bay uga xumaatay in deeqaha ay bixisay loo adeegsaday duqeyntii Laascaanood.

Dagaalkii 2023kii ka dhacay Laascaanood wuxuu si ba’an u saameeyay carruurta. Ardaydii dhiganaysay dugsiyada Laascaanood waxay u qexeen Garoowe, halkaas oo ay waxbarashidii ka sii wateen. Carruur badan waxay ku geeriyoodeen duuqeyntii ciidammada Somaliland u geysteen Laascaanood. Waxaa xusid mudan in guddi dowladdu Birtayn u saartay ka ilaalinta carruurta saameynta colaadaha, oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Biritayn Gordon Borwn, uu soo saaray buug ku saabsan cilmibaarisyo arrintaas ku saabsan. Xeeldheerayaal sharciyeed ayaa qoray buugga Protecting Children in Armed Conflict, oo ay tafaftirtay Shaheed Fatima KC, oo ah qareen sare. Saameynta dagaalladu ku yeesheen carruurta Soomaalida ayaa 97 jeer lagu xusay warbxinta.
Labo sababood ayuu maamulka Somaliland cuskadady markuu duqeynayay Laascaanood: 1- In dadka midnimimada Soomaaliya aamminsan oo diidan kala goynta Soomaaliya ay yihiin argagixiso; iyo 2- in Laascaanood ka mid tahay dal kale. Markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2023kii laba jeer ugu baaqay maamulka Somaliland inuu ciidammada ka dulqaado duleedka Laascaanood, maamulka Somaliland wuxuu ku dooday in uu u hoggaanmasayo baaqa Golaha Ammaanka keliya marka Soomaaliya iyo Somaliland loo arko labo dal (two-state solution). Ma jirin dowlad federaal oo u soo gurmatay dadka SSCK. Dadka Puntland ayaa Jarriiban ilaa Xaafuun ka soo gurmaday oo kaalintooda ka qaatay in la iska dulqaado ciidammadii Somaliland oo sida arxandarrada u duqeynayay Laascaanood. 2023kii waxay Puntland isu difaacady sida ay 2025 isakaga difaacayso argagixisada ISIS.

Safiirkii hore ee Biritayn u joogay Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa intuusan xilka wareejin la kulmay xubno ka mid ah bulshada rayidka ee Hargeysa. Waxay soo jeediyeen in waddada loo furo ganacsiga si loo helo nabad waarta (durable peace). Waddada furisteedu uma taallo maamulka SSCK oo keliya.
“Waxaa habboon madaxdhaqameedka SSCK in aysan ka hadlin arrimmaha ku saabsan sharciga caalamiga haddii kale waxay hor istaagayaan xaqa dadkii dhibbanaha u noqday xasuuqii maamulka Somaliland ka geystay Laascaanood 2023kii” ayuu ii sheegay mid ka mid la taliyayaasha sharciga ee maamulka ku meelgaarka ee SSCK.
W.Q: Siciid M. Sheekh Cali
You must be logged in to post a comment.