
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah Xafiiskiisa magaalada Boosaaso ku qaabiley Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Ambassador Michael Nithavrianakis “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.”
Madaxweyne Siciid Deni, oo ay weheliyaan xubno iyo mas’uuliyiinta Xukuumadda Puntland ayaa intaasi kaddib Shir la yeeshay safiirka dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Ambassador Michael Nithavrianakis, oo ay weheliyeen saraakiil kamid ah Safaaradda, waxaana Shirka labada dhinac looga wada-hadlay dagaalka Argagixisada ISIS ee ka socda buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriisku ay Puntland ku bogaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish, taasi oo ka dhigan in UK ku soo biirtay Hawlgalka oo ay horay qeyb uga ahaayeen Mareykanka iyo Imaaraatiga Carbeed kuwaasi oo duqeymaha Cirka ka caawinaya Ciidamada difaaca Puntland ee dhulka kala dagaallamaya ISIS.
“Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah golaha xukuumada, waxaa looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo UK ay ku boggaadisay Dowladda Puntland, xoojinta Iskaashiga UK iyo Puntland, Mashaariicda horumarin Uk ka fuliso Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Hoos ka eeg Sawirada Kulanka











PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.