Dowladda Maraykanka oo Ugu Baaqday Ruwaanda Inay Dhowrto Qarannimada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay cunnoqabatayn ku soo rogayso shaqsiyaadka ka tirsan jabhadda M23. Farriin ka soo baxday Qaybta Afrika ee Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda Ruwaanda inay dhowrto qarannimada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Dhowaan jabhadda M23 oo ay taageerayso Ruwaanda ayaa weerar ku qaadday Koongo. Waa markii labaad oo jabhad taageero ka haysta Ruwaanda ay weerartay Koongo.

Halis weyn ayaa jirta in ciidammada M23 ay qabsadaan awoodda siyaasadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

PUNTLAND POST