Calmiskaad: Ciidamada difaaca Puntland oo saaka dul-jooga godadkii Gaatir-oodan

Cutubyo ka tirsan Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku gaashaaman hubka culus ayaa saaka hawlgallo ka wada afaafka hore ee degaanka lagu magacaabo Gaatir-oodan ee togga Jeceel halkaasi oo kamid ah godadka ay ku go’doonsan yihiin Argagixisada ISIS.

Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay saaka hawlgallo ka wadaan nawaaxiga degaanka Gaatir-oodan oo dhacda togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad halkaasi oo la rumaysan yahay in uu ku yaallo mid kamid ah godadka ugu muhiimsan ee dagaallamayaasha Argagixisada Daacish ku dhuumaalaystaan.

Cutubyo aad u qalabaysan oo kamid ah Ciidamada dowladda ayaa jihooyin kala duwan kaga hareeraysan godadka Gaatir-godan waxaana wararku sheegayaan in mileeshiyaadka Argagixisada ISIS hadda ku urursan yihiin godadka islamarkaana ciidamadu dul-joogaan si aysan u baxsan firxadka Argagixisada ee lagu soo jebiyay Qurac ilaa Dandamalle.

PUNTLAND POST