Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed Rasmi ah ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay buuraha Calmiskaad

Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed ka soo saartay hawlgalkii maanta ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha Argagixisada Daacish lagu gaarsiiyay hawlgalkaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu yiri” Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee (Hillaac), waxaa uu maanta oo ay taariikhdu aheyd 20 February 2025, uu weerar cir iyo dhul ah ku dilay 44 ka mid ah Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysay deegaannada teedsan Togga- jeceel ee buuralayda Cal- 
miskaad.”

“Halwgalka ay ku ciribtirayaan Argagixisada Daacish, waxay hawlgalo ay sameeyeen ku dileen in ka badan 15 Argagixisada Daacish ah oo Ajaanib aheyd, waxaana gebi ahaanba Ciidanku la wareegeen deegaannada Dhasaq, Qurac iyo deegaannada u dhow Damdamale oo intuba ka tirsan Togga Jeceel ee buuralayda Cal-miskaad isla markaasina fariisino u ahaa Argagixisada Daacish.”

“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka (UAE) waxay maanta duqeyn ku dileen 29 ka mid ahaa Argagixisada Daacish, Duqeynta ayaa ka dhacday labo meelood oo kala ah tuulada Damdamaale oo lagu dilay 22 Argagixiso iyo Togga damdamaale oo lagu dilay 7 Argagixiso” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Halkaan ka eeg Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST