
Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal oo xalay hawlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa gacanta ku dhigay shakhsiyaad si sharci-darro ah u waday geed Quwaax iyo dhir kale oo muhiim ah, sida ay sheegtay wasaaradda Degaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland.
Hawlgalka ayaa yimid, kaddib markii laba dhalinyaro ah ciidanka ku wargeliyeen in ay arkeen geed Quwaax iyo dhir kale oo muhiim ah, kuwaasi oo ay shakhsiyaad si sharci-darro ah u wadeen, kaddibna ciidanka oo ku hawlgalaya xogtaasi ayaa si deg deg ah guuleysteen in ay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay falkaas, iyagoo sidoo kale diiwaangaliyay tiradda geedaha.
“Howlgalka ayaa yimid kadib markii laba dhalinyaro ah ay kusoo wargeliyeen ciidanka booliska in geed Quwaaxa iyo dhirkale oo muhiim ah ay ku arkeen magaaladda. Ciidamada amniga iyo sharaakiisha wasaaradda ayaa si degdeg ah uga falceliyay xogtaas, waxayna ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay falkaas, iyagoo sidoo kale diiwaangaliyay tiradda geedaha.”
“Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimiladda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa cambaareeyay falkan, isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh burburinta deegaanka. Wuxuu ugu baaqay bulshada inay ka feejignaadaan falalka waxyeellaynaya deegaanka oo ay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Wasaaradda Degaanka Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.