Puntland oo joojisay aqoonsiga nabaddoonnada cusub iyo kuwa beddelka ku yimaada

Go’aan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ilaa iyo amar danbe ku joojisay aqoonsiga Nabaddoonada cusub iyo kuwa beddelka ku yimaada.

Warqad ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo ay ku socod-siisay dhammaan mas’uuliyiinta gobollada iyo degmooyinka ayay ku go’aamisay ilaa iyo amar danbe joojinta aqoonsiga Nabaddoonada cusub iyo kuwa beddelka lagu keeno.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku wargelinaysaa  dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka DPL in la joojiyey aqoonsiga nabaddoonada cusub iyo kuwa bedalka ah ilaa amar dambe.”

“Haddaba, waxaa la farayaa Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka  Dawladda Puntland in aan la qaban karin warqadda aqoonsiga nabaddoon cusub iyo mid bedal ah midna” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Halkaan ka akhriso go’aanka wasaaradda

PUNTLAND POST