Puntland oo fasaxday Isticmaalka Lacagta $50 Dollar oo aan mudda 4 sano ah laga adeegsan degaannada Puntland

Agaasimaha guud ee Bankiga PL

Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa dib u fasaxday isticmaalka Lacagta $50 Dollar ah oo in ka badan 4 sanno aan laga adeegsan degaannada Puntland kaddib markii ay suuqa soo gashay lacag $50 Dollar oo Faaliso (been-abuur ah).

Warsaxaafadeed ka soo baxay Bankiga dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay isticmaalka Lacagta $50 Dollar ah oo suuqa ka maqnayd tan iyo sannadkii 2021 kaddi markii ay xilligaasi suuqa soo gashay lacag been-abuur ah oo $50 Dollar taasi oo sababtay in laga aamin-baxo guud ahaan Lacagta $50.

“Bangiga Dowladda Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka Puntland in si rasmi ah loo fasaxay isticmaalka lacagta $50ka doolar, lyada oo aan lagu xirayn wax shuruud marka laga reebo shuruudaha la mariyo lacagaha kale sida $100, $20, $10 iyo $5” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka dowladda.

“Waxa la farayaa dhammaan Bangiyada, xawaaladaha, shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegyada lacagaha elektarooniga ah iyo ganacsatada inay si caadi ah u isticmaalaan una aqbalaan lacagta $50-ka doolar si lamid ah lacagaha kale” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka soo baxay Bankiga dhexe ee Puntland.

Bankiga dowladda Puntland ayaa sidoo kale ka dalbaday dhammaan Bankiyada iyo Shirkadaha Isgaarsiinta in haddii la qabto Lacag looga shakiyo been-abuur ay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan Bangiga dowladda Puntland si Hay’adaha ku shaqada leh ay uga hortagaan khatarta ka dhalan karta. 

PUNTLAND POST