Puntland oo dhawaan bilaabaysa wejiga labaad ee Tarxiilka ajaanibta

Ciidamada Ammaanka Puntland oo sii wada hawlgalka tarxiilka ajaanibta ayaa dhawaan bilaabaya wejiga labaad ee celinta Soogalootiga u dhashay dalka Itoobiya.

Ciidamada Ammaanka Puntland oo dhawaanahan magaalooyinka waaweyn ka qabtay tiro Itoobiyaan ah oo u badan Qowmiyada Oromada ayaa dhammaantood xabsiga ku ururiyay waxaana weli socda ururinta Soogalootigaasi.

Taliyaha Hawlgelinta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Xabiib Gorod Shire oo wareysi kooban bixiyay ayaa sheegay in ay bilaabayaan wejiga labaad ee dib-u-celinta Soogalootiga u dhashay Itoobiya waxaana uu tilmaamay in sababo amni dartood dib loogu celinayo dalkoodii.

Xabiib Gorod ayaa sheegay in hadda ay socoto ururinta weliga labaad ee ajaanibta sharci la’aanta ah gaar ahaanna Itoobiyaanka kuwaasi oo dhawaan dib loogu celinayo dalkoodii si aysan khatar u gelin amniga Puntland.

PUNTLAND POST