
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku soo saaray in la joojiyey Ajaaniibta Sharci la’aanta kusoo gelaysa degaannada Puntland, waxaana uu faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan Arrintaasi.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni oo lagu socod-siiyay dhammaan Wasaaradaha ay khusayso ayuu ku joojiyay Ajaaniibta Sharci la’aanta kusoo gelaysa degaannada Puntland, waxaana uu faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan.
“Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, Ajaanibta aan haysan Sharciga Dal ku galka in aysan soo geli Karin gudaha Degaanada Puntland. Haddaba, waxaa la idin farayaa in aad ka gudataan waajibaadka idinkaga aadan” ayaa lagu yiri Wareegtada.
Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaa dhawaan bilaabaysa wejiga labaad ee Tarxiilka Ajaanibta sharci-darrada ku soo galaya degaannadeeda oo ay ku jiraan Itoobiyaanka iyo Carabta sida uu sheegay Taliyaha Hawlgelinta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Xabiib Gorod Shire.
Halkaan ka eeg Wareegtada

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.