Taliska Ciidamada Puntland oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn caawa ka dhacday Calmiskaad

Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn xooggan oo fiidnimadii caawa laga maqlay nawaaxiga degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari halkaasi oo la sheegayo in ay ku dhuumanayaan dagaallamayaasha Argagixisada go’doonsan ee ISIS.

Bayaan ka soo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntii caawa lagu dilay in ka badan 11 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Daacish kuwaasi oo isku urursanayay god u dhaw degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad.

Taliska Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa bayaanka uu soo saaray intaasi ku daray in hawlgalka ay fulisay dowladda Imaaraatiga Carbeed”Duqeyn waxaa maanta lagu dilay in ka badan 11 xubnood oo ka tirsan Argagixisada Daacish, kuwaasi oo isku urursanayay God u dhow Sheebaab – Calmiskaad. Waxaa duqeynta fuliyey saaxiibada Puntland ee Imaaraadka.”

PUNTLAND POST