Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dhagax-dhigay laamiga Cawsane iyo Hadaaftimo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay wajiga labaad ee dhismaha waddada isku xireysa Cawsane iyo Hadaaftimo, oo qayb ka ah mashruuca ballaaran ee waddada Ceel Daahir – Ceerigaabo.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa ka qeyb galay xubno sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin  xildhibaanno, iyo wasiiro kuwaas oo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka hadlay madasha ayaa yiri: “Dhismaha waddadan waxa uu muhiim u yahay isku xirka gobollada, fududeynta gaadiidka iyo kobcinta dhaqaalaha. Dawladda Puntland waxa ay ka go’an tahay dhamaystirka mashruucan si bulshada uga faa’iidaysato, una sahlanaato isku socodka iyo horumarka nololeed.”

Dhismaha wajiga labaad ee wadada Cawsane-Hadaaftimo ayaa qeyb ka ah dadaallada dawladda Puntland ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isku socodka, ganacsiga, iyo nolol-wanaagga bulshada.

PUNTLAND POST