Ciidamada Puntland oo dalbaday in laga ururiyo meydadka Daacish oo goob kasta daadsan

Saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka Calmiskaad ayaa ka dalbaday hay’adaha dowladda u qaabilsan Fayo-dhawrka in ay degaanka ka ururiyaan meydadkii Argagixisada Daacish oo ku qurmay goobihii ciidanku ku laayay.

Korneyl Faarax Nuur Maxamed oo kamid ah saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in dhammaan goobihii lagu dagaallamay ee buuraha Calmiskaad, gaar ahaanna togga Jeceel ay weli daadsan yihiin meydadii dagaallamayaasha ISIS oo qurmay, islamarkaana halis ku ah caafimaadka bulshada, waxaana uu dalbaday in sida ugu dhakhsaha badan looga nafiifiyo degaanka.

“Meel kasta waxaa yaalla meydad aad u fara badan oo ajaanib ah, waxaan ka codsanayaa wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh Fayo-dhawrka in ay degaanka ka nadiifiyaan bakhtigooda si aysan bulshada ugu geysan dhibaato Caafimaad” ayuu yiri Korneyl Faarax Nuur Maxamed oo kamid ah saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland.

Taliye Faarax Nuur ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalkii cirib-tirka Argagixisada ISIS ee buuraha Calmiskaad uu meel geba-gebo ah marayo, balse ay saamayn caafimaad ka dhalan karto, haddii aan si deg deg ah degaanka looga nadiifin meydadka qurmay ee kooxda ISIS oo daadsan dhulkii lagu dagaallamay.

PUNTLAND POST