Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland oo joojisay ka ganacsiga Xaabada

Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa sheegtay in ay joojisay ka ganacsiga Xaabada kaddib markii ay qiimaysay xaalufka ba’an ee uu degaanka ku sugan yahay.

Go’aan ka soo baxay wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu joojiyay ka ganacsiga Xaabada ee degaannada Puntland waxaana lagu yiri go’aankaasi “Xaabadu waxay dhibaato weyn u geysatay deegaanka, waxaana baaba’ay dooxooyinkii xooluhu daaqi jireen, taas oo sababtay in daadad fara badan si sahal ah u soo rogmadaan, waxyeelo ballaaranna u geystaan deegaanka.”

“Wasaaraddu waxay ogaatay in dhirta qoyan lagu shubo Kiimiko qalajinaysa geedka maalmo kooban, ka dibna loo gurto xaabo ahaan. Xeeladan cusub oo ay adeegsanayaan dad aan deegaanka dan kalahyn. Sida ku cad qodobka 19-aad, farqadiisa 4-aad, ee Xeerka Illaalinta iyo Maareynta Deegaanka waxa uu sheegayaa in qofka u adeegsada walxo ama kiimikooyin keeni kara in dhirtu qallasho si uu uga sameeyo xaabo, alwaax, tiir ama udbo, uu galayo dembi” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda degaanka ayaa sheegtay in ay aragtay in haddii ay sii socoto gurista xaabadu, Puntland isu bedeli doonto saxare, maadaama dhirtii kasii dhamaanayso deegaanka. Sidaas darteed, Wasaaraddu waxay digniin culus u dirtay cid kasta oo ku hawlan gurista xaabada, meel kasta oo ay kaga sugan yihiin Puntland.

Wasaaradda degaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa sidoo kale ka codsatay dhammaan hay’adaha kor ku xusan in ay si buuxda u fuliyaan xeerka lagu mamnuucay ka ganacsiga xaabada, si looga badbaadiyo degaanka Puntland loona xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo degaanka 

PUNTLAND POST