Dowladda Puntland oo ka deyrisay Saadaasha Roobabka gu’-ga ee Sannadkan 2025

Sida ay Puntland sheegtay Saadaasha roobka ee xilliga Gu’-ga ee sannadkan 2025 waxaa la filayaa in uu noqodo mid hooseeya ixtimaal ahaan inta badan degaanada Puntland suurta galna ay-tahay in uu ka curto xili-hore.

Degmooyinka Qardho, Carmo, Qandala, iyo Caluula ayaa saadaashu sheegaysaa inay helikaraan 40% roobab xadi ahaan caadi ah sida ku cad khariidadda saadaasha roobka.

Khariidad ay soo saartay dowladda Puntland ayaa muujineysaa celceliska roobka ee bilaha March, Abriil, iyo May, waaxaana la filayaa inuu siyaado 75% heerkul ku dhamaan goboladda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan daneeya-yaasha sida hay’aadaha Dawladda, Hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshadu in ay diyaar garow ka sameeyaan suurtagalnimada khataraha ka dhalan kara roob yarida.

Halkaan ka eeg khariirada Saadaasha Roobka

PUNTLAND POST