Puntland oo sheegtay in ay kooxda Daacish buuraha Calmiskaad kaga saarayso mudda 10 cisho ah

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal ka jeediyay barnaamij xalay lagu qabtay Boosaaso ayaa shaaciyay in dhulka Daacish gacantooda ku haray oo ay ku dagaallami karaan uusan ka badnayn 15KM.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir oo ka warbixinayay wakhtiga lagu soo af-jari karo dagaallamayaasha ISIS ayaa sheegay in uu rajeynayo in ciidamada Puntland ay kooxdaasi buuraha kaga saaraan 10 cisho ee soo socda islamarkaana la dhammaystiro guusha laga gaaray dagaalkooda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in haddii kooxda Daacish laga saaro masaafo dhan 15KM oo ay ciidamada kaga dhuumanayaan aysan jirin meel danbe oo ay ku hakadaan maadaama loo baxayo dhul bannaan oo gaadiidka dagaalku taayir ku dilayo firxadka mileeshiyaadka Daacish.

Wasiir Dirir ayaa tilmaamay in hadda dagaallamayaasha Daacish ku dhaq dhaqaaqi karaan masaafo dhan 40KM oo u badan dhul bannaan marka laga reebo 15KM oo buuro iyo togag ah kuwaasi oo haddii laga saaro aysan meel danbe istaagi doonin.

PUNTLAND POST