Puntland oo ka hadashay duqeymo culus oo galabta ilaa Caawa ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

Duqeymo kala duwan ayaa sida dowladda Puntland xaqiijisay galabta ilaa Caawa ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaanna goobaha Argagixisada ISIS kaga dhuumanayaan buurahaasi.

Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraatiga Carbeed ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw degaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa la gubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid, iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana 
Argagixisada Daacish.

Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in duqeyntii galabta oo ay fulisay dowladda Imaaraatiga Carbeed lagu gubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid, iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana 
Argagixisada ISIS waxaana Puntland tallaabadaasi uga mahadcelisay dowladda UAE.

“Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraadka ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa lagubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana 
Argagixisada Daacish” ayuu yiri Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland.

Dhinaca kale, duqeymo culus oo ay fulisay dowladda Mareykanka ayaa caawa laga fuliyay godad ku yaalla togga Curaar iyo Dara-madow oo ay difaacyo adag ku lee yihiin Argagixisada ISIS inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin khasaaraha gaaray dagaallamayaasha Daacish.

PUNTLAND POST