![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739698209434.jpg?resize=720%2C405&ssl=1)
Dowladda Mareykanka oo bayaan kooban soo saartay ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Talaadadii hore kooxda ISIS ku qaadday ciidamada difaaca Puntland ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ka wada buuraha Cal-miskaad.
Dhambaal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayay si adag ugu cambaareysay weerarkii Argagixiso ee dagaallamayaasha ISISI todobaadkii hore ku qaadeen ciidamada difaaca Puntland kaasi oo si ba’an loogu jebiyay Argagixisada Daacish islamarkaana looga dilay in ka badan 100 dagaallame.
“Waxaan Cambaareynaynaa weerarkii Argagixisada Daacish ku qaaday Ciidamada difaaca Puntland 11-kii bishaan Feb February” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku faafisay barta (X) ee hore loogu magacaabi jiray Twitter.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale dhambaal tacsi ah u dirtay dhammaan qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen askartii geesiyaasha ahaa ee ciidamada Puntland kuwaasi oo ku shahiiday weerarkii Argagixisada ISIS lagu jebiyay todobaadkii hore ee 11 Feb.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan qoysaskii ay ka baxeen askartii geesiyaasha ahaa ee ciidanka difaaca Puntland ee ku naf waayey weerarkaasi” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ah ee ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.