
Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo bayaan soo saaray ayaa shaaciyay duqeyn xalay ka dhacday degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad lagu gubay warshaddii qaraxyada iyo biraha gawaarida u samayn jirtay kooxda ISIS.
Bayaan ka soo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay duqeyntii xalay oo laga fuliyay degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad lagu gubay qaraxyada iyo biraha gawaarida u samayn jirtay mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish.
“Duqeynta caawa ee hawlgalka oo laga fuliyey deegaanka Sheebaab-Calmiskaad, waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada difaaca Puntland.
Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland aya sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu dilay xubno ka tirsan dagaallamayaasha ISIS oo ku sugnaa warshadda la duqeeyay balse faahfaahin lagama bixin cidda fulisay duqeyntaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.