Dagaallamayaasha Daacish oo firxad bilaabay kaddib dagaalkii u danbeeyay ee buuraha Calmiskaad

Buuraha Calmiskaad

Dagaallamayaasha Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya buuraha Calmiskaad ayaa sida wararku sheegayaan firxad bilaabay kaddib markii khasaare ba’an ku gaaray dagaalkii u danbeeyay ee todobaadkii hore.

Ilo amni oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saddexdii maalmood ee u danbeeyay magaalada Boosaaso lagu qabtay dagaallamayaal ka tirsan ISIS oo ka soo firxaday dagaalkii u danbeeyay kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo ka muuqdaan.

Ciidamada Ammaanka Puntland oo kaashanaya shacabka ayaa magaalada Boosaaso ka qabtay ilaa lix xubnood oo kamid ahaa dagaallamayaasha Daacish oo soo firxaday kaddib dagaalkii u danbeeyay oo ay si ba’an ugu jabeen mileeshiyaadka kooxdaasi oo ajaanib u badan.

Saraakiisha laamaha Ammaanka Boosaaso ayaa sheegaya in weli su’aalo iyo baaritaan lagu hayo firxadka dagaallamayaasha ISIS ee lagu qabtay Boosaaso halka qaar kale oo xogtooda la helayna ciidamadu ku raad-joogaan.

PUNTLAND POST