Puntland oo sheegtay in 30 ka tirsan Argagixisada ISIS lagu dilay duqeymo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in laba duqeymood oo xalay laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari lagu beegsaday dagaallamayaal ka tirsan Argagixisada go’doonsan ee Daacish.

Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland oo Warsaxaafadeedkaasi soo saaray ayaa sheegay in duqeynta oo ka dhacday degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad lagu beegsaday xubno ka tirsan ISIS islamarkaana lagu burburiyay baabuurkii Saadka u siday kooxdaasi.

“Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Argagixiso Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir &Dhul” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland.

Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale sheegaya in xalay duqeymo dhawr ah laga maqlay degaannada Sheebaab iyo Gaatir Godan oo la rumaysan yahay in ay xarumo ciidan ku lee yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.

PUNTLAND POST