Madaxweynaha Puntland oo qaabiley Qoyska labadii Shahiid ee Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifitaax Qoryood

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta qaabiley Qoyska Alle ha u naxariistee, G/sare Mukhtaar Faarax Qoryood iyo Cabdifitaax Faarax Qoryood oo ku shahiiday dagaalka cirib-tirka Argagixisada Daacish ee buuraha Cal-miskaad.

Madaxweyne Siciid Deni, oo ay weheliyaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa qaabiley Qoyska labadii halyeey ee G/sare Mukhtaar Faarax Qoryood iyo Cabdifitaax Faarax Qoryood ee dhawaan ku shahiiday cirib-tirka Argagixisada ISIS.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan Qoyska uga tacsiyeeyay geerida labadii halyeeyay ee u shahiiday difaaca dalkooda (Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifitaax Qoryood), waxaana uu ilaahay uga baryay labada marxuum in uu janno Fardawso ku irsaaqo, isagoo sheegay in dowladdu garab taagan tahay Qoyskooda.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in qaabilaadda Qoyska reer Qoryood  muujinayso sida dowladda Puntland ay ugu heellan tahay xushmadda iyo garab istaagga ehelada muwaadiniinta geeriyooda, gaar ahaan ku wa ka tirsanaa laamaha amniga ee naftooda u huray difaaca shacabka iyo xasilloonida

Halkaan ka eeg Sawirada

PUNTLAND POST