Ciidamada Hindiya oo badda ku sii daayay Rag Soomaali ah oo dhawaan doon kalluumeysi af-duubtay

Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Hindiya ayaa badda ku sii daayay 8 nin oo Soomaali ah, kaddib markii uu markabkaasi xoog kaga furtay doon kalluumeysi oo ay dhawaan ka af-duubteen xeebaha gobolka Nugaal.

Ciidamada badda ee dowladda Hindiya ayaa saacado kooban gacanta ku hayay 8-da nin oo dhammaantood ka soo jeeda degaannada Puntland, balse goor danbe iska fasaxay, kaddib markii laga furtay doontii ay qafaasheen oo laga lee yahay Yemen.

Ciidamada Hindiya ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay raggaasi ka furteen hubkii iyo qalabkii Isgaarsiinta ee (Thuraya), kaddibna badda ku fasaxeen iyagoo fara-maran oo saxiimad yar saaran, sida ay tilmaamayaan ilo amni.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii kooxdaasi ku weerar tagaan doontii hore, islamarkaana isku dayeen in ay qabsadaan doon kalluumeysi oo laga lee yahay Hindiya, balse uu u soo gurmaday markab dagaal.

PUNTLAND POST