
Taliska Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in magaalada Boosaaso lagu qabtay nin u dhashay dalka Marooko oo kamid ah firxadka Argagixisada Daacish ee lagu jebiyay dagaalka buuraha Calmiskaad.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ISIS ayaa lagu sheegay in shacabka Boosaaso gacanta ku dhigeen nin u dhashay dalka Marooko oo ka tirsanaa Argagixisada Daacish islamarkaana ka soo firxaday kaddib markii lagu jebiyay dagaalkii buuraha Calmiskaad.
Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa tilmaamay in ciidamada Ammaanka Boosaaso hadda gacanta ku hayaan oo ay su’aalo weydiinayaan ninkaasi oo qirtay in uu ka tirsanaa ISIS balse uu ka soo firxaday dagaalkii dhacay.
“Bosaasso : Nin u dhashay Moroco oo ah firxadka argigixisada daacish ayaa shacabku qabteen waxaana hada gacanta ku haya laamaha amniga oo su’aalo weydiinaya , wuu qirtay inuu ahaa daacishtii la jebiyey” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.