Senetar Cabdiraxmaan Faroole: Beesha Caalamku waa in ay Puntland garab buuxa ku siisaa Cirib-tirka Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si weyn Ciidamada Puntland ugu bogaadiyay dagaalka ay kula jiraan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Madaxweyne hore Cabdiraxmaan Faroole ayuu ku sheegay in Ciidamada difaaca dowladda Puntland ay guula badan oo is daba joog ah ka gaareen dagaalka lagu cirib-tirayo Argagixisada Daacish waxaana uu yiri ” Shacabka, Dawladda, iyo hoggaanka Puntland oo isku duuban, iyo ciidamadooda geesiyaasha ah, waxay dagaalkan kula jiraan argagixisada iyagoo aan haysan taageero caalami ah, waxayna guulo badan ka gaareen dagaalkaas, iyagoo jab weyn gaarsiiyay cadowga ISIS.”

“Si kastaba ha ahaatee, khasaaraha xooggan ee dhimashada, burburka qalabka ciidan, iyo miinooyinka badan ee la dhigay waxay caqabad weyn ku yihiin awoodda Ciidanka Difaaca Puntland si ay gabi ahaanba u cirib tiraan ISIS. 
Aniga oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Puntland, waxaan si buuxda u caddeynayaa taageeradayda aan leex-leexadka lahayn ee aan u hayo Ciidamada Difaaca Puntland, hoggaankooda ciidan, iyo madaxda Puntland” ayuu sii raaciyay Senetar Faroole.

Madaxweyne hore Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale Beesha Caalamka si weyn uga digay Khatarta Caalamiga ah ee Argagixisada ISIS ku yihiin Amniga Gobolka iyo guud ahaan dunida waxaana uu yiri” Kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Al-Miskaad ee Puntland, oo ku taalla xeebaha istiraatiijiga ah ee Badda Cas, waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah ee badda. Dawladda Puntland waxay qaaday go’aan sax ah oo ah inay weerar milatari ku qaado kooxahaas si loo burburiyo khatarta argagixisada ee halis gelinaysa nabadgelyada Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan gobolka.”

Senetar Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero buuxda siiyaan Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS “waxaanan ugu baaqayaa beesha caalamka inay taageero buuxda siiso hawlgalka milatari ee Puntland ee lagula dagaallamayo ISIS. Ciidanka Difaaca Puntland waxay u baahan yihiin: Taageero xagga saadka ah, Daryeel caafimaad, Isgaarsiinta milatariga 
La-wadaagga xogaha sirdoonka 
Awood sare oo dhanka miino-saarka ah 
Haddii aan ISIS lagaga adkaan buuraha Al-Miskaad, waxay heli doonaan fursad istiraatiiji ah oo ay si sahlan khatar u galin karaan amniga gobolka, ganacsiga badda, iyo nidaamka caalamiga ah.”

PUNTLAND POST