Puntland oo baaris ku samaynaysa Shakhsiyaadka naban ee marin-haabinta u qaabilsan Argagixisada Daacish

Dowladda Puntland oo digniin adag soo saartay ayaa shaacisay in ay jiraan shakhsiyaad naban (Dormant cells) oo taageersan Argagixisada ISIS, kuwaasi oo warar been-abuur ah ka faafinaya hawlgalka Calmiskaad.

Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) oo digniintani soo saaray ayaa sheegay in ay si dhaw ula socdaan dhaq dhaqaaqa shakhsiyaad taageersan Argagixisada oo faafinaya dicaayado ku saabsan in dowladda Imaaraatiga Carbeed ay saad iyo hub u daadiso Daacish.

“Waxaa maalmahan soo ifbaxaya shakhsiyaad nabnaa (Dormant cells) oo baraha bulshada marinaya dicaayado iyo warar been-abuur ah oo sheegaya in Imaaraadku hub u daadiyo Argagixisada Daacish oo aysan jirin duqeymo lagu beegsanayo kooxda” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland.

Xeer Ilaaliye Axmed Taaran oo hadalkiisa sii wata ayaa faray hay’adaha Amniga in ay baaris ku sameeyaan shakhsiyaadka naban ee taageersan Argagixisada, kuwaasi oo shaki iyo marin-haabin ku abuuraya shacabka Puntland ee u midaysan dagaalka ISIS.

PUNTLAND POST