
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Dr. Rashid Maxamud Yusuf (ALKUD) ayaa bogaadiyey guullaha isdaba jooga ah ee ciidamada Difaaca Puntland ka soo hoyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ku dhuumaaleysanaysa buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Wasiir hore Dr. Rashiid waxa uu uga tacsiyeeyay qoysaskoodii iyo Dowlada Puntland halyeeyadii ku shahiiday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran Difaaca Dalkooda, Wuxuuna Alle uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisa janno, una boogadhayo halyeeyadii ku dhaawacmay.
๐๐๐ก๐๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ค๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐ข๐๐ญ๐ข๐ซ๐๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ ๐๐ ๐ข๐ฑ๐ข๐ฌ๐๐๐๐.
Dr. Rashid Maxamud Yusuf (ALKUD) ayaa sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Said Abdulalahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor uga mahadceliyey dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee ay ku bixinayaan sidii deegaanada Puntland looga ciribtiri lahaa kooxda Argagixisadda ah ee Daacish.
Sidoo kale Wasiir hore Dr. Rashid ayaa ugu baaqay bulshada reer Puntland in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan ciidamada Puntland oo naftooda u huraya difaaca dadkooda, dalkooda, iyo diintooda, sidoo kalena Dowlada ku gacan siiyaan hormarinta adeegyadda Dowliga ah.
๐๐๐ซ๐๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐.
Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Puntlandย Dr. Rashid Maxamud Yusuf (ALKUD) ayaa ugu baaqay Shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo inay garab istaagaan Ciidanka Difaaca Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Argagixisadda ah, ayna muujiyaan Midnimada iyo isku duubnida ka dhaxaysa Shacabka Walaalaha ah ee dhib iyo dheef wadaaga ah.
๐๐ก๐ข๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐ค๐๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐จ๐จ๐ง๐๐๐๐๐ฒ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.
Wasiir hore Dr. Rashid Maxamud Yusuf (ALKUD) ayaa ugu damayntii ugu baaqay gollayaasha kala duwan ee maamulka SSC-Khaatumo in wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka dhex taagan gollaha Baarlamanka iyo gollaha Fullinta, loona baahan yahay in markasta Wadatashi iyo wadajir looga wada shaqeeyo arrimaha masiiriga ah, si looga hortago waxkasta oo lidi ku noqon Kara jiritaanka maamulka SSC-Khaatumo sidoo kalena dhaawici kara halgankii dheera ee ay bulshadu usoo gashay sidii maamulka SSC-Khaatumo Cagihiisa ugu istaagi lahaa.
Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Puntland Dr. Rashid (ALKUD) ayaa usoo jeediyey Isimada dhaqanka iyo Hal-doorka SSC-Khaatumo inay qaataan dowrkooda kaga aadan xalinta khilaafka soo cusboonaday ayna ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo jiritaanka SSC-Khaatumo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.