Ciidamada Puntland oo saaka in ka badan 40 dagaallame ka dilay Argagixisada Daacish

Hawlgal xooggan oo ay aroornimadii hore ee saaka qaadeen ciidamada difaaca dowladda Puntland ayay ku dileen in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan Argagixisada Daacish.

Ilo wareedyo amni oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa xaqiijinaya in ilaa iyo hadda la dilay in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish islamarkaana uu weli socda hawlgalka ciidamadu ku sifaynayaan kooxdaasi.

Hawlgalka oo ka socda degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa durba ciidamada difaaca Puntland ku soo bandhigeen qeybta kowaad meydadka Argagixisadii saaka lagu dilay dagaalka waxaana saraakiishu sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo kooxda laga furtay.

PUNTLAND POST