![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739205543440.jpg?resize=720%2C540&ssl=1)
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo socdaal ku jooga magaalada Addis Ababa ayaa Isbitaalka ku booqday Gen. Fu’aad Xanaano iyo askartii ku dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad.
Saraakiishaasi oo dowladdu Caafimaad ugu dirtay dalka Itoobiya, booqashada waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Xildhibaan Cabdirisaaq Shariif Axmed iyo Xildhibaan Khadar Faarax Maxamed oo ka tirsan Golaha Wakiillada dowladda Puntland iyo Ku-xigeenka Wakiilka Puntland ee Itoobiya Xiirey.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay sida wanaagsan ee loo daryeelayo oo daaweyntu ugu socoto geesiyaasha usoo dhaawacmay dalka iyo dadka, Wuxuuna muujiyay sida Dowladda Puntland uga go’an tahay daryeelka Ciidamada kusoo dhaawacma Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, isagoo Dowladda Itoobiya uga mahadceliyay doorkooda hawalka Argagixisada looga sifeynayo Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeen Ilyaas Osman Lugatoor ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaasha ku shahiiday intii hawlgalku socday, inta dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryey Caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah.
Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka oo safar shaqo oo la xidhiidha Iskaashiga Caalamiga, horumarinta maalgashiga iyo dhaqaalaha , dowlad wanaaga iyo la dagaalanka Argagixisada ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa kusoo wajahan Caasimada Puntland ee Garoowe.
Halkaan ka eeg Sawirada
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739205496093.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739205533003.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739205525067.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739205512280.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739205488005.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739205507845.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1739205491640.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.