Ciidamada difaaca Puntland oo duqeyn culus kooxda Daacish kaga saaray saldhigyo horleh

Ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa xalay duqeyn xooggan oo dhinaca dhulka ah ku garaacay mileeshiyaad ka tirsan Daacish oo ku dhuumanayay nawaaxiga halka lagu magacaabo Qurac ee toggaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay si weyn u garaaceen saldhig kooxda Daacish kaga harsanaayeen aga-gaarka degaanka Qurac ee togga Jeceel kaddib markii ay duqeyn xooggan oo dhinaca dhulka ah la beegsadeen taasi oo keentay in kooxdu dib uga sii cararaan goobtaasi.

Ciidamada oo ku qalabaysan hubka culus ayaa saaka hawlgal iyo miino baaris ka wada nawaaxigii ay xalay ka carareen Argagixisada Daacish kaddib markii ay u adkeysan waayeen duqeynta qoryaha waaweyn oo ay adeegsadeen Ciidamada difaaca Puntland taasi oo si ba’an u burburisay dhufaysyo kooxda uga qodnaa nawaaxiga Qurac.

PUNTLAND POST