Haddii Muqdisho Aysan U Qalmin Caasimad Ma Jirto Magaalo Kale oo Qalanta

W.Q: Siciid M. Sheekh Cali

Safiir Camey maanta loogama fadhiyin inuu soo jeediyo dood ku saabsan caasimad.

Laascanood (Faallo) — Cabdixaakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey, Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Koonfur Afrika, marna ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii Puntland wuxuu ku dooday in Muqdisho aysan u qalmin inay sii ahaato caasimad. Sababaha uu cuskaday waa sababo magaaalo kasta loo adeegsan karo si loogu doodo inaysan u qalmin inay caasimad noqoto!

Ma jirto magaalo aysan beel u badnayn. Eedeyn ayuu u soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku tilmaamay inuu Muqdisho u arko “goofkiisa”. Madaxwenayaal  kale ayaa  ka horeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh aan marnaba lagu eedeynin inay Muqdisho u arkayeen “goof.” Farqi weyn ayaa u dhexeeya dhaliisha loo soo jeedinayo maamul iyo dhaliil beel loo soo jeedinayo. Camey ujeeddo turxaan-bixin siyaasadeed ma laha.

Siyaasad ahaan waxa Soomaaliya ka qaldan waa wax naga wada qaldan. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ku heshiiyay hab federaal sababay in dastuurka ay ku qoran yihiin qodobbo awoodo iska hor imanaya siinaya dowladda federaalka iyo maamul federaaleedyada. Nasiibdarro, maamulka Somaliland ayaa ka faa’iidaystay dastuurka oo helay (1) hab si gaar ah wax logu siiyo (special arrangement) iyo (2) kaddibna  heshiis is fahan badda ah 2024kii la galay Itoobiya.

Waxa maanta in laga hadlo ku habboon waa habka federaalka oo awood aan lala xisaabtami karin geliyay gacanta dowladda federaalka oo ku tiirsan ciidammo nabad-ilaalin ah. Bil kasta 60 milyan doollar ayaa ku baxa ciidanka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ka socda waayo Soomaaliya kama ilaalin karto dunida halista argagixisada ku sugan qeybo ka mid ah dalka. Waa sababta Soomaaliya loogu maamulo Cutubka 7 (Chapter 7) ee Cahdida Qaramada Midoobay. Waa cutub loo cuskado dal halis ku ah nabadda dunida.

30 sano ka hor Safiir Camey adeerkiis ayaa Wasiir ka noqday “dowladdii Salballaar” ee Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Camey maanta loogama fadhiyin inuu soo jeediyo dood ku saabsan caasimad, Soomaaliya oo dhibaatooyin waaweyn ay haystaan.

W.Q: Siciid M. Sheekh Cali

Fikradda faalladani soo gudbinayso waxay gaar u tahay qoraha.