
Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si rasmi ah u caddaysay mowqifkeeda ku saabsan in muwaadiniinta reer Falastiin loo soo raro degaannada Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir oo saaray warsaxaafadeed ku qoran luuqadda English-ka ayaa caddeeyay in dowladda Puntland ixtiraamayso xuquuqda reer Falastiin u leyihiin in ay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda.
Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sidoo kale tilmaamay in faalladii wasiir ku xigeenkiisa Yacquub Cabdalle ku qoray wargeyskaThe Daily Telegraph aysan ka turjumayn mowqifka Rasmiga ah ee Puntland balse ay ahayd aragtidiisa shakhsiga ah.
“Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayuu yiri wasiir Dirir.
Warka ku saabsan in Puntland aqbashay soo jeedinta Mareykanka ee ah in qaxootiga reer Falastiin la keeno degaannada Puntland ayaa saacadihii u danbeeyay ku faafay warbaahinta Israa’iil iyo tan reer galbeedka oo uu ku jiro wargeyska The Daily Telegraph.
Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.