
Wararka ka imaanaya xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi lagu af-duubtay doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen.
Ilo wareedyo amni ayaa tilmaamaya in dabley hubaysan oo ka soo jeeda degmada Eyl ay xeebaha degmadaasi ku qafaasheen doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen, taasi oo shati kalluumeysi ka haysata xukuumadda Puntland.
Weli warbixin faahfaahin lagama hayo af-duubka doontaaasi oo ay wakiilo ka yihiin shakhsiyaad u dhashay degaannada Puntland, islamarkaana weli kama hadal laamaha Amniga Puntland, inkastoo saraakiil aan la hadalnay xaqiijiyeen dhacdada.
Dhammaadkii bishii November ee sannadkii tegey ee 2024 ayay ahayd markii dabley hubaysan xeebaha Puntland ku af-duubteen markab kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Shiinaha, kaasi oo markii danbe lagu sii daayay lacag madax-furasho ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.