![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738997527271.jpg?resize=720%2C540&ssl=1)
Markab sida daamurka lagu dhammaystirayo wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Qoraal uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland ayuu ku sheegay in markabkii kowaad oo sida daamurka lagu dhameystirayo Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo uu maanta soo gaaray Boosaaso.
Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Imaaraatiga Carbeed ugu deeqday Puntland laba markab oo daamur ah, kuwaasi oo lagu dhammaystirayo jidka laamiga ah ee Ceeldaahir-Ceerigaabo.
Af-hayeen Dabaraani oo u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa intaasi raaciyay in labada markab kii kowaad uu maanta yimid dekdda Boosaaso halka uu weli soo socdo markabkii labaad.
“Daamurka lagu dhameystirayo Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, ayaa maanta soo gaaray Boosaaso” ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo qoraalkani soo dhigay bartiisa (X).
“Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladda Imaaraadka oo Puntland ugu deeqday Labo Markab oo daamur ah oo Dowladdu ugu talagashay dhameystirka Ceeldaahir-Ceergaabo, waxaa yimi markabkii koowaad kan labaadna wuu soo socda” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.
Halkaan ka eeg sawirada
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738997517018.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738997522703.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738997512050-1.jpg?resize=720%2C960&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738997504312-1.jpg?resize=720%2C540&ssl=1)
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.