![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738918395635.jpg?resize=720%2C719&ssl=1)
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa noqday isinkii u horreeyay ee gobolka Bari si buuxda u taageeray ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish.
Bayaan uu soo saaray Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayuu si weyn ugu bogaadiyay guulaha ciidamada difaaca dowladda Puntland ka gaareen Argagixisada go’doonsan ee Daacish, waxaana uu ku baaqay in deg deg loo garab istaago ciidamada.
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin waxa uu si gaar ah baaq ugu jeediyay dhammaan shacabka ku dhaqan degaannada Calbari ee gobolka Raasi Casayr oo deris la ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo uu ka socdo dagaalka lagu sifaynayo dagaallamayaasha ajaanibta ah ee Daacish.
“Waxaan si gaar ah ugu baaqaya bulshada gobolka Raas Casayr in ay deg deg u soo diraan Taakuladii looga baahnaa oo laba jibbaaran waaa ceeb in aad ka hartaan gurmadka ciidamada geesiyada ah ee dowladda Puntland” ayuu yiri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.
Beeldaajaha Calbari ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay dhammaan Ciidamadii Puntland kaga shahiiday dagaalka waxaana uu ilaahay caafimaad dhakhso leh u weydiiyay dhammaan askartii ku dhaawacantay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.