Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaq Axmed Siciid, ayaa ka qeyb-galay aas qaran oo deegaanka Ceel-daahir loogu sameeyay Allaha u naxariistee G/sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood, kuwaas oo naftooda u huray difaaca dalka iyo amniga.
Aaska qaranka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaanno, Wasiirro, Saraakiil Ciidamada kala duwan, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo, iyo Guddiga Gurmadka, kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin geerida labada geesi ee ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa uga tacsiyadeeyay waalidiinta, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabka Puntland, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo.
“Dhammaan ciidankeena waxay naftooda u hureen difaaca dalkooda, dhiiggooduna wuxuu noqonayaa dhaxal taariikhi ah oo lagu xasuusan doono. Dawladda Puntland waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalkeena,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Halkaan ka eeg Sawirada
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.