Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo si weyn u taageeray Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish

Bayaan uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Somaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayuu si weyn ugu taageeray Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa Ciidamada difaaca Puntland ku bogaadiyay Hawlgalka lagu dabar-goynayo Argagixisada”Waxaan boggaadinayaa howlgalka Ciidamada daraawiishta Puntland ee ka dhan ah kooxda Daacish waana tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed isaga difaacayaan argagixisada duullaanka ah islamarkaana gumaadka ku haya dadkeenna.”

“Ficillada kooxaha argagixisada ah waxay ka soo horjeedaan shareecadda islaamka, hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka gobolka” ayuu yiri Madaxweynihii hore dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo bayaan ka soo saaray dagaalka Ciidamada Puntland kula jiraan Argagixisada Daacish.

“Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geesiyaasha ku shahiiday howlgallada ciidan ee ka socda buurraleyda Calmiskaat ee gobolka Barri waxaana Dowladda Puntland iyo guud ahaan shacabka ku boorrinayaa in si dhab ah loo garab istaago howlgalka ciidamada” ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed.

PUNTLAND POST