![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738820180591.jpg?resize=720%2C480&ssl=1)
Ciidamada Puntland oo warbixin ka soo saaray Hawlgalkii tan iyo shalay ka socday degaannada ku teedsan togga Jeceel ee buuraha Cal-miskaad ayaa shaacisay in ay hub iyo dukumentiyo ciidan gacanta kaga dhigeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.
Warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidanku ay kooxda Daacish ka dileen in ka badan 57 Argagixiso ah oo Ajaaniib u badan kuwaasi oo Ciidanku soo bandhigeen, sidoo kale la wareegeen dhamnaan degaanadii shalay lagu dagaallamay ee inta u dhexaysa Dharin illaa iyo Qurac ee Toga-jeceel.
“Ciidanku waxay kale oo gacanta ku hayaan Dokumentiyo, hub iyo agabkale oo ay lahayd Argagixisada Daacish, Hawlgalku wuu soconaya illaa gebi ahaanba Argagixisada Daacish laga sifeeyo buuralayda Cal- miskaad ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee Puntland.
Xafiiska Hawlgalka La-dagaallanka Daacish ee Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale u taciyeeyay dhammaan Ciidamadii ku dhintay Hawlgalka, waxaana uu u mahadceliyay Saaxiibada Caalamiga ah ee dhinaca Cirka ka duqeeyay Argagixisada Daacish.
Halkaan hoos ka akhriso Warbixinta
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738819438645.jpg?resize=720%2C1018&ssl=1)
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.