![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/calanka.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1)
Ciidamada difaaca Puntland oo maalintii labaad hawlgal lagu burburinayo Argagixisada ka wada togga Jeceel ee buuraha Cal-miskaad ayaa maanta shaaciyay qeybtii labaad ee meydadka mileeshiyaadka Daacish.
Warbixin sawirro wadata oo uu soo saaray Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu shaaciyay in ciidamadu xalay ilaa maanta hawlgalka ku dileen ilaa 57 xubnood oo ka tirsan Daacish, kuwaasi oo u badan ajaanib, waxaana wararku sheegayaan in ajaanibtaasi ka soo jeedaan dalal kala duwan.
“Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo laba cisho oo xiriir ah ka fulinaaya dagaallo ka dhan ah Argagixisada Daacish deegaannada Dharin iyo Qurac ee togga Jaceel ayaa xalay Illaa maanta markale ka laayey sharwadayaal hor leh, kuwaasi oo tirada guud ka dhigaysa in ka badan 57 qof.”
Warbixinta Taliska Ciidamada Puntland oo lagu faafiyay bogga Hawlgalka gaarka ah Ciribtirka Argagixisada ayaa intaasi raacisay in ciidamadu dhammaan cadowga ka saareen degaannadii lagu dagaallamay oo ku teedsan togga Jeceel.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.