![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2025/02/FB_IMG_1738762348404.jpg?resize=720%2C480&ssl=1)
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa maanta Boosaaso ku qaabiley wefdi ka kooban madaxda hay’addaha Qaramada Midoobey oo uu hogaaminaayey Madaxa Hay’adda UN-OCHA, Crispen Rukasha, ayna ka mid ahaayeen Madaxda Hay’adaha UNICEF, UNHCR, UNFPA, WFP, FAO iyo IOM.
Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiintu maanta Boosaaso ku qaabiley wefdi ka kooban madaxda hay’addaha Qaramada Midoobey oo uu hogaaminaayey Madaxa Hay’adda UN-OCHA, Crispen Rukasha, ayna ka mid ahaayeen Madaxda Hay’adaha UNICEF, UNHCR, UNFPA, WFP, FAO iyo IOM.
“Dowladda Puntland ayaa maanta Boosaaso ku qaabishay wafdi ka kooban madaxda hay’addaha Qaramada Midoobey oo uu hogaaminaayey Madaxa Hay’adda UN-OCHA, Crispen Rukasha, ayna ka mid ahaayeen Madaxda Hay’adaha UNICEF, UNHCR, UNFPA, WFP, FAO iyo IOM.”
“Kulanka oo ka dhacay xarunta shirarka ee Gobolka Bari, waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Madaxtooyada , Maamulka Gobolka Bari iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Boosaaso iyo Qandala” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Puntland.
Dowladda Puntland iyo Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa in Gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo Degaanada uu ka dhacay Dagaalka Dowladdu kula jirto Argagixisada iyo goobaha dadku u barakaceen, waxaana loo balamay in si degdeg ah loo bilaabo wax-ka-qabashada Arrimaha bini’aadanimo ee ka dhashay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.