Bayaan kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Dharin ee togga Jeceel, halkaasi oo ay ku xoogganaayeen mileeshiyaadka Daacish.
Bayaanka oo soo baxay kaddib dagaal culus oo maanta in ka badan 9 saacadood ka socday degaannada ku teedsan togga Jeceel ayaa lagu sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen degaankaasi istiraatiijiga ah ee Dharin oo ay si xooggan ugu dagaallameen kooxda Daacish, ka hor inta aan ciidamadu cagta marin kooxdaasi.
Ciidamada difaaca Puntland waxay sheegeen in ay wax dhintay iyo wax firxaday noqdeen dagaallamayaashii ISIS ee laga qabsaday degaanka Dharin ee togga Jeceel, kaddib markii ciidamadu halkaasi xoog kaga saareen kooxda oo isku dayay in ay xejistaan, balse laga awood roonaaday, sida uu tilmaamay bayaanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
“Ciidanku xoog ayeey Argagixisada kagala wareegeen deegaanka Dharin ee Togjaceel, Argagixisadii Daacish wax la dilay iyo wax firxaday” ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Ciidamada difaaca Puntland.
Ka hor inta aysan degaanka Dharin la qaban, waxay ciidamada difaaca Puntland mileeshiyaadka Daacish ka saareen ilaa lix saldhig oo yar yar, kuwaasi oo ay ku dagaallameen ISIS, ha yeeshee ugu danbayn dhammaantood laga kiciyay, kaddib markii ciidamadu dusha ka mareen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.