Warbixin Rasmi ah oo uu soo saaray Taliska Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayuu ku faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ugu adkaa oo maanta ciidamada iyo mileeshiyaadka kooxda Daacish ku dhexmaray degaannada saaran togga Jeceel ee buuraha Cal-miskaad.
Warbixinta Ciidamada, oo ay ku lifaaqan yihiin sawirro muujinaya meydadka ajaanib lagu dilay dagaalkii maanta ayay ciidamada Puntland ku sheegeen in ay si buuxda ula wareegeen dhammaan degaannadii uu saaka ka bilowday wejiga kowaad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish.
Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay dagaalkii maanta ku dileen in ka badan 40 dagaallame oo ka tirsan Argagixisada Daacish, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen, islamarkaana weli ay daba joogaan firxadkii ISIS, balse dhanka ciidamada uu soo gaaray khasaare dhimasho oo kooban iyo dhaawacyo fudud.
“Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo Daacish ka sifeynaya buuralayda Cal-miskaad ayaa maanta dagaal xooggan ku qaaday Kooxda Argagixisada Daacish, waxaana la dilay in ka badan 40 Argagixiso Ajaaniib u badan iyado ka badana laga dhaawacay , firxadkoodana la daba joogo, isla markaaasina lala wareegay dhammaan deegaanadii ay ku sugnaayeen Argagixisadu.”
“Ciidanka Howlgalka dhinacooda waxaa jira dhimasho kooban iyo dhaawac fudud, Geesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland waxaa ka go’an in ay Argagixisada ka sifeeyaan dhammaan dhulka Puntland .Qaar ka mid ah Sawirada hordhaca ah ayaan Halkan idinkula wadaagnay” ayaa lagu yiri Warbixinta Ciidamada Puntland oo ay ku lifaaqan yihiin sawirro muujinaya meydadka rag ajaanib ah oo ISIS looga dilay dagaalkii maanta.
Dagaallamayaasha Daacish ayaa sida la sheegayo maanta awoodda dhan isugu geeyay in ay si adag ugu dagaallamaan difaacyadii togga Jeceel, oo ay ugu muhiimsan yihiin Talisyadii Dharin iyo Haraaryo1, kuwaasi oo ay ugu danbayn ciidamada difaaca Puntland ka qabsadeen sidoo kalena ajaanib badan kaga dileen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.