Ciidamada Puntland oo maanta ilaa lix talis oo dhaca togga Jeceel ka qabsaday kooxda Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka hawlgal xooggan oo dhawr jiho ah ku qaaday degaanno ku teedsan togga lagu magacaabo Jeceel, oo ay ku dhuumanayeen Argagixisada go’doosan ee ISIS.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo saaka jihooyin kala duwan kaga dhaqaaqay degaannada dhaca togga Jeceel ee buuraha Cal-miskaad ayaa la soo sheegaya in ay in ka badan lix talis ka qabsadeen mileeshiyaadka Daacish, oo hadda weli firxadkoodii ciidamadu baacsanayaan.

Hawlgalkani oo lagu tilmaamay mid ka xooggan kana diyaarsan wejigii kowaad ee dagaalka buuraha Cal-miskaad oo ku ekaa Turmasaale ayaa lagu soo warramayaa in uu maanta guula muhiim ah xaqiijiyay, kaddib markii ilaa lix talis laga qabsaday kooxda ISIS.

Dhinaca kale, ilaa 5 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay hawlgalka maanta, kuwaasi oo qaarkood lala eegtay qarax miino, balse dowladdu weli faahfaahin kama bixin khasaaraha dagaalka oo weli socda.

PUNTLAND POST