Ciidamada Puntland oo xeebaha gobolka Bari ku qabtay doon sidday tuute iyo agab ciidan

Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay in Ciidamada Amniga Gobolka Bari ay baaritaan ku wadaan doon sidday tuute iyo agab ciidan oo gacanta lagu dhigay.

War ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in doontaasi iyo raggii watay oo dhammaantood Soomaali ah lagu qabtay xeebta degaanka Qaw oo ka tirsan degmada Boosaaso.

“Ciidanku waxay gacanta ku hayaan oo baaritaan kuwadaan, Doon waday Tuute iyo Agabkale oo Ciidan iyo ragii watay, Doonta oo Raga wata ay Soomaali yihiin waxa laga qabtay Biyaha deegaanka Qaw ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay dowladda Puntland.

Tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka buuraha Calmiskaad ee ka dhanka ah Argagixisada Daacish Puntland waxay ciidamo geysay dhammaan degaannada xeebaha Gobolka Bari si loo go’doomiyo saadka dhinaca badda uga yimaada IS.

PUNTLAND POST