
Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland, Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi oo ay hadal kooban ka soo xigatay VOA News ayaa ka warbixiyay duqeymihii ugu xoogganaa ee xalay lagu beegsaday Argagixisada Daacish ee ku go’doonsan buuraha Calmiskaad.
Jeneraal Xaashi oo hoggaaminaya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Cal-miskaad ayaa ugu horrayn soo dhaweeyay duqeymihii xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka fuliyeen Cal-miskaad ee lagu beegsaday kooxda Daacish.
Taliyaha oo si kooban uga warbixiyay xogta ku saabsan duqeymihii xalay ayaa sheegay in ugu yaraan 10 goobood oo u badan godad lagu beegsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya buuraha Calmiskaad, kuwaasi oo dhammaantood ahaa bartilmaameedyo sax ah oo sidii loo qorsheeyay duqeymuhu u dhaceen.
Jeneraal Xaashi ayaa sidoo kale rumaysan in duqeymihii xalay lagu dilay tiro badan oo ka tirsan Kooxaha Daacish, oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sare, balse wuxuu intaasi raaciyay in weli qiimayn lagu hayo khasaaraha kooxda gaaray.
Dhinaca kale, War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymihii xalay ka dhaceen degaanada Miiraale, Togga Jeceel iyo Dhaasaan, halkaasi oo ciidamada Puntland sahamin ku sameeyeen ka hor duqeynta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.