Shir ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedda ka aloosan galbeedka gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in uu saaka oo Sabti ah ka furmo magaalada Gaalkacyo.
Shirkan ayaa dhammaystir u ah shirarkii nabadda ee dhawaanahan ka socday magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug xal ugu raadinayeen colaadda labada beelood ee ka taagan galbeedka gobolka Mudug.
Go’aanno Wadajir ah, oo dhawaan ka soo baxay mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayay ku go’aamiyeen qodoba ku saabsan xakamaynta colaadda labada beeleed ee ka taagan degaannada galbeedka gobolka Mudug, si looga hortago in aysan isku dhacyo danbe ka imaan labada dhinac.
Go’aannada xakamaynta colaadda oo ka koobnaa 7 qodob ayaa lagu go’aamiyay in mileeshiyaadka labada Beelood ee dagaallamay la kala fogeeyo, islamarkaana la kala geeyo goobihii hore loogu asteeyey ee (Bandiiradley iyo Galdogob), sidoo kalena dib loo hawlgeliyo ciidamadii ilaalinta nabadgelyada ee labada beelood.
Puntland iyo Galmudug ayaa sidoo kale isla gartay in guddiga farsamadu ay dedejiyaan qabashada guddiga xeerbeegtida iyo culimada ee ka garnaqa khilaafka labada beelood siwaafaqsan heshiiskii labada beelood ee 02/10/2024, iyadoo oo lala tashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.